Jaaliyadda Soomaalida ee Hamburg oo la Aqoonsaday + SAWIRRO

Hamburg (Halqaran.com) – Munaasbad ballaaran oo loogu dabaal-degayay Aqoonsiga Jaaliyadda Soomaalida Hamburg oo lagu qabtay isla magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka.

Xafladan oo si heersare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Jarmalka gaar ahaan magaalada Hamburg iyo nawaaxigeeda.

Munaasabadan ayaa waxaa bar-bar socday Wacyigelinta bulshada ku nool magaalada Hamburg, iyadoo lagaga digayay inay qaadaan waddooyinka xun xun, iyo isticmaalka mukhaadaraadka.

Waxaana lagu dhiira-geliyay, in mustaqbalka ay meel fiican ka gaaraan dalkani Jarmalka, ayna wax istaraan iyaga iyo qoysaskooda.

‘‘Waxay ahayd tallaabo kale oo aan horay u qaadnay in Jaaliyadda Soomaalida Hamburg ay ka mid noqoto Jaaliyadaha ka jira dalkani Jarmalka‘‘, ayuu yiri guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Hamburg mudane Axmed Soomaali oo ka hadlayay munaasabadda.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Hamburg, ayaa u mahadceliyay dhammaan hay’adihii ka caawiyay Jaaliyadda guushani weyn ay maanta gaartay.

‘‘Waxaan u mahadcelinaynaa caawiyayaasheena joogtada ah oo ay ugu horeyso hay‘adda Pro-familie, hay‘adda Paritätische,r gaar ahaan Mashruuca House of Resources Hamburg ee heer federaal‘‘ ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr. Axmed.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Hamburg, Mudane Axmed Soomaali oo Xafladda kaddib la hadlay Warbaahinta Halqaran.com, ayaa sheegay in barmaajikan uu qeyb ka yahay is-dhexgalka bulshada Soomaalida ee reer Hamburg iyo is-barashada bulshada dhexdeeda.

Sidoo kale, wuxuu xusay guddoomiyuhu in ka Jaaliyad ahaan ay diyaar la yihiin mideynta Soomaalida Jarmalka, iyo ka wacyi-gelinta waxbaayaha maanka dooriya oo dhibaato weyn ku haya bulshada dhexdeeda gaar ahaan Soogalootiga dalkani Jarmalka.

‘‘Waxaan ballan ku qaadnay, in aan si dar alle ah ugu shaqayno bulshadeena Soomaaliyeed ee ku nool gobolkan Hamburg iyo nawaaxigiisa oo aan wax matalaad ah ama urur u dhaqdhaqaaqa danahooda aysan ku lahayn gobolkan marka loo eego soogalootiga kale‘‘ ayuu yiri gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Hamburg Axmed Soomaaliya.

Munaasabadda Jaaliyadda Soomaalida ee Hamburg ayaa ku soo dhammaatay jawi degan.

W/Q: Abdifatah Adde
Xafiiska Halqaran.com, Verden (Aller)
Halqarannews@gmail.com