Ankara (Halqaran.com) – Ciidamada Ammaanka dalka Turkiga ayaa xiray muwaadin Soomaaliyeed oo bartiisa Tiktok ku baahiyay muuqaalka, isaga oo jex-jeexaya lacagta Liirada ee dalkaasi, taasi oo ay aad uga carootay dowladda Turkiga.
Muwaadinka Soomaaliyeed oo heysta dhalashada dalka Finland ayaa muuqaalka uu iska soo duubay si-weyn ugu baahay baraha Bulshada gaar ahaan Aalada Tiktoka, waxaana tallaabada uu qaado ay baqdin ku abuurtay dadka kale ee Soomaaliyeed oo ka cabsi qaba in uu saameyn ku yeesho noloshooda.
Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga dalka Turkiga ayaa sheegay in Ninkaas ay baaritaan ku hayaan maskax ahaan, waxaana macquula in dhawaan maxkamad la soo taao, isla markaana lagu rido xukun xabsi ah.
Todobaadyo ka hor ayay ahayd markii Haweeney Soomaali ah oo ku sugan dalka Turkiga ay difaacday haweeney Siiriyaan ah oo loo xiray qaraxii ka dhacay magaalada Istanbul oo ay ku dhinteen lixda qof.
Warbaahinta Adduunka ayaa soo qaadatay muuqal ay ku faafisay baraha bulshada, iyadoo sheegaysa in haweeneyda la xiray aanay iyadu falka ku lug lahayn.
Dowladda Turkiga oo ah saaxiibka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Soomaali aad u farabadan oo sanadihii la soo dhaafay badankood ay galeen, balse waxaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeelato ficilada qaar ay ku kacayaan Soomaalida, taasoo keeni karta in laga mamnuuco tegi taanka dalkaas.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com