Tuesday, May 26, 2026
28.1 C
Mogadishu

Nin ku eedysan Dilka Gabadh Soomaaliyeed oo lagu Maxkama-deynayo Dalka Malasia.

Kuala Lambur (Halqaran.com) – Nin u dhashay Dalka Ciraaq kuna eedeysan in uu dilay Dahabo Cumar oo Soomaali ah ayaa loo gudbinayaa Maxkamadda sare ee Malaysia 9ka May 2022 sida ay sheegtay Maxkamad lasoo taagay sida uu xaqiijiyay mid kamid ah ehelka Gabadha la dilay.

 

Amaal Maxamed Siciid (Hoggaamo) sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Malaysia ahna Qunsulka Safaaradda oo la hadashay VOA ayaa sheegtay in xubin kamid ah ehelka Marxuumadda uu ka qaybgalay fadhiga Maxkamadda ee go’aankaas lagu gaaray.

 

 

Sido kale waxaa  Dhageysiga Dacwada  ka qeyb galay xubno ka tirsan Ehelada gabadha Soomaalida ah ee la dilay dhawaan, taasi oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar oo Maanta lagu lagu aasi doono qabuuro ku yaalla Magaalada Kuala Lambur Kee Dalkaasi.

 

 

Booliiska  Dalka Malaysia ayaaku guuleystay in ay  gacanta ku dhigaan  Ninka loo heysto dilka Dahabo Cumar oo u dhashay Dalka Ciraaq oo haatan ah Xukun suge ah kiiskiisana loo gudbiyay Maxkamadda sare ee Dalkaasi oo go’aan ka gaari doonta Bisha Soo socoto.

 

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...