Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladaha taageera Soomaaliya ee loogu yeero Beesha Caalamka ayaa ka hadashay doorashooyinka Golaha Shacabka ee qabsoomay iyo kuwa harsan, iyaga oo ku baaqay in doorashooyinka lagu dhameystiro waqtiga lagu heshiiyay.
Warka ka soo baxay Beesha caalamka Ayaa waxa uu u qornaa sidaan:
Saaxiibada caalamku waxay mar kale hoosta ka xarriiqayaan baahida loo qabo in sixidda qaladaadka habraaca loo wajaho si dhexdhexaad ah oo daah-furan si loo dhiso kalsoonida geeddi-socodka doorashada iyo natiijadeedaba, Sida lagu qeexay War-murtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee bishii Janaayo, musharrixiinta waa inay xor u ahaadaan inay u tartamaan caqabad la’aan”
“Maadaama wakhtiga kama dambeysta ah ee ay isku raaceen Golaha Waatshiga Qaran bishii Jannaayo 2022 uu ku eg yahay 25 Feberaayo, bah-wadaagtu waxa ay dhiirigelinayaan sii wadidda dardargelinta, si loo xaqiijiyo dhammaystir degdeg ah, laguna kalsoonaan karo ee geeddi-socodka doorashada”
“Saaxiibada caalamku waxay ku celinayaan walaaca ah in qoondada boqolkiiba 30-ka ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka aan la gaarsiineyn, waxa ayna ku baaqayaan in tallaabooyin degdeg ah lagu saxo kuraasta harsan”.
Sido kale waxay Warkooda ku dareen “Suxufiyiintu Awood ha u yeeshaan inay tebiyaan Doorashada, iyo in bulshada rayidka ahna ay si xor ah u kormeeraan hawlaha doorashada cabsi gelin la’aan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





