Tuesday, May 26, 2026
28.1 C
Mogadishu

Guddiga Doorashooyinka heer Federaalka Oo Shaaca Ka qaaday In la jabsday Barihii Bulshada ay isticmaalayeen.

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa sheegay in dib loogala wareegay Barahooda Bulshada sida Facebooka, Twitterka & Website-ka, ayaga oo sheegay wixii la soo dhigo ay yihiin waxba kama jiraan inta ay dib ugala wareegayaan.

 

Warsaxaafaded ay guddiga FEIT ay soo saareen ayaa lagu sheegay in aysan mas’uul ka aheyn qoraalada hadda kadib la soo geliyo barahaas oo ka maqan gacantooda sida ay sheegeen.

FEIT ayaa si cad u sheegtay  in arintaan ay tahay mid la rabo in lagu carqaladeeyo habsami u socodka doorashooyinka dalka oo markaan gabagaba ah.

 

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa Sheegay in xogaha doorashada ay ku soo gudbin doonaan shirar Jaraa’id oo lagula hadlayo warbaahinta iyo wareysiyo, mana shaacin Guddiga cidda la wareegtay barihii Bulshada ee Guddiga.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...