Kismaayo (Halqaran.com) – Magaalada Kismaayo waxaa maanta lagu qabtay doorashada saddex xildhibaan oo maamulka Jubbaland ku matali doona Baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya.

Hop#132 ayaa waxaa ku guuleysatay Cadar Xareed Jibriil kadib markii ay u tanaasushay Ifraax Cabdiqani Yuusuf oo la tartami laheyd

HOP#092: Saadaq Cabdullaahi Cabdi ayaa codeyn gacan-taag ah ku helay kursigaan 101 cod oo ah dhammaan ergadii dooraneysay maadaama uu tanaasulay Cabdullaahi Aadan Ibraahim. Kursigaan ku fadhiyay Maxamuud Cabdullaahi Siraaji.

HOP#023: Nasra Mahdi Caraale ayaa codeyn gacan-taag ah ku hanatay kursigaan kaddib markii ay tanaasushay Sahra Cabdi Cilmi. Kursiga doorashadiisu la qabtay waxaa ku fadhiyay Cali Maxamed Muuse.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





