Tuesday, May 26, 2026
28.1 C
Mogadishu

AMISOM oo ka hadashay qaraxyadii iyo weeraradii ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho (Halqaran.com) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa si kulul u cambaareeyay weeraro xiriir ah oo Al-Shabaab habeen ka hor ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

 

Weerarada ayaa lala beegsaday Saldhiga degmada Kaxda iyo Hoyga guddoomiye kuxigeenka Amniga degmada Hiliwaa iyo  xaafado dad shacab ah degan yihiin, waxaa ku dhintay askar iyo tiro kale dad rayid ah oo ay ku jiraan haween.

 

Sidoo kale taliska AMISOM ayaa ku dhowaaqay inay ka go’an tahay inay xoojiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee ku aadan dagaalka Al-Shabaab, si looga adkaado.

 

“Midowga Afrika ayaa waxaa ka go’an in uu taageero Soomaaliya si looga adkaado argagixisada oo burbur ku ah dhaqaalaha, dhaqanka, siyaasadda iyo nolosha bulshada,” ayuu yiri ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Fiona Lortan.

 

Dhanka kale Habeen ka hor ayay aheyd markii Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray Saldhiga Booliska degmada Kaxda. Sidoo kale la weeraray labo deegaan oo kala ah Ceelasha-Biyaha iyo Ceel-Janaale. Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa sidoo kale lagu qarxiyay

 

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...