Wednesday, June 17, 2026
26.4 C
Mogadishu

Nin baxsad ahaa oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb, intuu ka yimid?

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ciidamada Nabad Suggida Galmudug ayaa waxay Magaalada Dhuusamareeb ku qabteen nin baxsad ahaa, oo ku eedeysan in uu dil ka gaystay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiraan.

Ninkan ayaa waxaa la sheegay in qof rayid ah uu dhawaan ku dilay Magaalada Baledweyne, waxaana Xarunta Gobolka Galgaduud lagu qabtay, xilli uu doonaayay in gacanta sharciga uu ka baxsado.

Taliska Nabad Suggida Galmudug ayaa ninkaasi ku wareejiyay Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, si loo horgeeyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Gaashaanle C/raxmaan Macalin Maxamed Maxamuud (Tima-dheere), Taliyaha Guutada 13aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo dhaweeyay tallaabada ninkaasi loogu soo gacangeliyay, isagoo dhanka kalena Nabad Suggida kaga mahadceliyay shaqada ay qabatay.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ninka lagu soo wareejiyay loo haysto dil uu qof shacab ahaa ugu gaystay Magaalada Baledweyne, waxaana la qabtay buu yiri isagoo baxsad ah.

Gaashaanle Tima-dheere ayaa ballanqaaday in ay ninkaasi ku wareejin doonaan Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo u sii gudbinaya Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Maamulada Hirshabelle & Galmudug ayaa waxaa ka dhaxeeya wada shaqayn dhinaca amniga ah. Dhawaan ayayna ahayd markii boolis laga kaxeeyay Baledweyne la geeyay Dhuusamareeb, si amniga kaga qayb qaataan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...