Muqdisho (Halqaran.com) – Kooxo hubaysan ayaa Degmada Wadajir waxay ay ku dileen nin Nabadoon ahaa oo ka mid Nabaddoonada ku noolaa Magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen Qaraabada Marxuumka.
Nabaddoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sheekh Cali Maxamed Cismaan, waxaana dilkiisa uu ka dhacay Xaafadda Siliga Ameerikaanka ee Degmada Wadajir.
Ehellada Marxuumka ayaa sheegay xilliga dilka uu dhacayay Nabadoonka inuu ku sugnaa goob ganacsi uu ku leeyahay Xaafadda Siliga Ameerikaanka ee Degmada Wadajir, halkaasina lagu dilay.
Marxuum Sheekh Cali Maxamed Cismaan ayaa wuxuu ka mid ahaa Nabaddoonada ka soo jeeda deegaannada Maamulka Hirshabelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan oo si wayn looga yaqaanay.
Raggii dilay Nabaddoonka ayaa la sheegay, inay durba goobta isaga baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo oo goobta gaaray ayaa hawlgal baris ah sameeyay, inkastoo qofna aysan u soo qaban dilka Nabaddoonka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





