Friday, April 17, 2026
27.9 C
Mogadishu

MW Farmaajo oo ka hadlay qarax lagu dilay Sheekh Caan ahaa oo ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Muqdisho (Halqaran.com) –Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo  dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Cabdinaasir Xaji Axmed oo ku geeri yooday  qarax  ka dhacay Magaalada  Kismaayo .

 

Farmaajo ayaa xusay in Sheekh Cabdinaasir ahaa daaci weyn oo lafdhabar u ahaa fidinta diinta islaamka iyo ilaalinta caqiidada suubban ee ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna Madaxweynuhu tilmaamay in falkaas arxandarrada ah uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu duullaan ugu tahay diinta islaamka iyo nolosha haldoorka Soomaaliyeed waa  sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha.

 

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo argagixisada cadowga ku ah jiritaanka ummadda Soomaaliyeed ay ku dhishay magaalada Kismaayo. Sheekh Cabdinaasir waxa uu ahaa daaci weyn oo noloshiisa oo dhan u huray fidinta diinta islaamka.”

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, waxa uuna caafimaad degdeg u rajeeyey culimada iyo muwaadiniinta kale ee dhaawacu ka soo gaaray falkaas arxan darrada ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...