Muqdisho (Halqaran.com) – Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland waxaa maanta lagu doortay 5 kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo horay loo shaaciyey.
1: Hop#072 ayaa waxaa ku tartamay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay iyo Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi, balse waxaa markale ku guuleystay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig,oo helay 75 Cod halka musharrixii la tartamay ee Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi uu helay 18, waxaana halaabay laba Cod.
2: Hop#130 waxaa horay ugu fadhiyay Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Gamacsiga Maxamed Diiriye Khaliif (Shaakuut) ayaa waxaa ku tartamay Mowliid Cabdi Maxamuud iyo musharax Haboon Xasan Tifow, waxaana kursiga ku guuleystay Mowliid Cabdi Maxamuud.
3: Hop#079 waxaa horey ugu fadhisay Farxiyo Xasan Axmed ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Maxamuud Muxumed Cumar ( kuulow) oo helay codod gaaraya 74 halka Bashiir Nuur Dhuumaal oo la tartamay uu helay 21 Cod, waxaana halaabay laba cod.
4: Hop#112 waxaa horay ugu fadhiyay Cabdi Casiis Cabdullaahi Maxamed Xukun ayaa waxaa Maanta ku tartamay Da’uud Cismaan Cali iyo Cabdiqaadir Maxamed Waceys, waxaana kursiga ku guuleystay Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Waceys.
5: HOP#136 korsigaan waxaa ka geeriyooday Maxamed Cabdi Gaandi asna waxaa ku guuleystay Cumar Yuusuf Qalaadiid oo helay 82 Cod halka musharrixii la tartamay ee Cabdifitaax Cumar Macalin uu helay 17 cod.
Doorashada Kuraasta maanta magaalada ee Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland lagu doortay ayaa waxaa ay qayb kayihiin golaha shabaka Baarlamanka11-aad ee Jamhuriayadda federalka ah ee Soomaliya, kuwaas oo la gudogalay maalmihii ugu damabaysay dooshadooda waxaa 3 cisho oo quray ay ka hartay malaintii loo asteen gabagaba ee 25-ka bisha.





Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





