Saturday, March 14, 2026
26.8 C
Mogadishu

DFS oo sheegtay in ay dishay horjoogihii Jabhadaha Hiiraan ee Ururka Al shabaab.

Muqdisho (Halqaran.com) – Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ay burburiyeen Saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen gobalka Hiiraan.

Ciidamada Maletiriga ayaa Sidoo kale sheegay in howlgalkaasi lagu dilay hoggaamiyihii Jamhaddaha ee Al-Shabaab iyo lix kale oo ka mid ah dagaalamayaasha ururkaasi.

Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan ayaa hoggaaminayey howlgalkaan oo ururka 7-aad ee kumaandooska Danab ay fuliyeen, ciidanka ayaa burburiyey xarumo qaraxyada ay ku farsameyn jireen  Al-Shabaab, sidoo kalena ay dadka shacabka ah uga uruursa jireen lacago baad ah.

Deegaanada Ciidanka ay howlgallada ka fuliyeen ayaa waxaa ka mid  Fiidoow, Dudubley, Kiliga Shiinaha iyo Burca dheer oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Abdifatah Hassan Hussein
Xafiiska Wararka Halqaran, Marka

Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...