Friday, April 17, 2026
27.9 C
Mogadishu

Koraastii ugu Dambeeyay Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi Oo La Soo Gabagabeeyay.

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga hirgalinta doorashada labada gole ee gobollada Woqooyi ee Somaliland ayaaa maanta soo geba gabeeyay doorashada xildhibaanada golaha shacabka, waxaana uu noqonayaa guddigii ugu horreeyay ee doorashada gebagabeeyay iyadoo aan la gaarin waqtigii loo qabtay oo ah 25 bishaan.

 

Guddiga SEIT Somaliland ayaa qabtay Doorashada 43 kursi, waxaa saamiga la siiyay oo dhanaa 46 Xildhibaan maanta ayaa Muqdisho lagu doortay 3da kursi ee harsanaa taasi oo ka dhigan in Gobollada Waqooyi-Somalilland ay  fuliyeen in Doorashada lagu soo idleeyo 15ka Janaayo ilaa 25ka Febaraayo 2022.

 

1:  Hop#243  waxa ku guuleystay Samsam Muxumed Cumar kadib markii ay tanaasushay Musharax Xildhibaan, Marwo Dallays Cali ibraahim, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay xildhibaan Samsam oo heshay 98 Cod waxaana ka aamusay laba qof.

 

 

2: HOP#206 waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Ibraahim Cabdi, kaas 100 cod ku guulaystay kadib markii tartanka kursiga ay ka tanaasushay musharrax Maryama Ibraahim Cabdi.

 

 

3:Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#259 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

 

Tirada guud ee Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka ku matalaya Somaliland oo ah 57 xubnood ayaa lagu doortay caasimadda dalka ee Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...