Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowladgoboleedka GalMudug.
Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb uu kula kulmo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb.
Kulanka ra’iisul wasaare Kheyre iyo hogaamiyaha HirShabeelle ayaa looga hadli doonaa arrimo khuseeya maamullada Hirshabeelle iyo dowladda fadaraalka ah.
Hogaamiyaha HirShabeelle ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Beledweyne oo ay ka jirtay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay xil ka qaadistii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo ugu danbeyn xilkii wareejiyay.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu waday in uu booqasho ku tago magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, balse booqashadiisa ayaa baaqatay sababo la xiriira howlaha dib u heshiisiinta ee uu ka waday Galmudug oo u adkaaday.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com