Ciidamo Kenyaan oo tira badan oo la soo dhoobay xadka Soomaaliya

Wajeer (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa adkeysay amniga xudduuda ay la leedahay Soomaaliya si looga hortago weerarro Kenya kaga yimaada dhanka Al-Shabaab saddex maalmood kaddib weerarkii Kismaayo.

Warbixin uu soo saaray Guddoomiyaha Wajeer ayuu ku sheegay in ciidamo iyo saraakiil farabadan loo daabulay dhanka xudduudka Kenya iyo Soomaaliya kadib weerarkii Kismaayo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadaallada lagu sugayo amniga xudduudka lagu fashiliyay weerarro dhowr ah taas oo sababtay in dabley Hubeysan lagu celiyay dhanka iyo Soomaaliya, iyadoo wadashaqeynta shacabka ay arrintaasi suurta gelisay.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore dad shacab ku laayay gudaha Kenya iyagoo dib ugu laabtay Soomaaliya arrinkaa oo inta badan loo sababeeyo xudduudka aadka u ballaaran ee ay wadaagaan labada dal oo ay fududahay in laga soo gudbo.

Tallaabooyinkan lagu sugayo amniga xudduudda Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli uu dhowaan magaalada Kismaayo ka dhacay weerar ay dad badan ku dhinteen, kaas oo ay masuuliyaddiisa sheegteen ururka al-Shabaab.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan askari oo ka hoos shaqeeya howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM.

Ciidamada Kenya ayaa gudaha u soo galay Soomaaliya sanadkii 2011-kii kaddib markii ay sheegtay in ammaankeeda uu khatar galay.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
halqarannews@gmail.comÂ