Sunday, June 7, 2026
27.6 C
Mogadishu

Muxuu Wasiir Cabdiraxmaan Beyle ka sheegay xarunta golaha shacabka ee BF Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka dooday Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud ee PFM-ka, oo uu Golaha Shacabka u soo gudbiyay Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay sharcigan ayaa ka hor intii aanay ansixin waxay ka sheegeen dood iyo wax ka bedel lagu sameeyay sharcigaasi. Xildhibaan Aadan Cali Xasan ayaa Golaha Shacabka u akhriyay wax ka bedelka lagu sameeyay Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud

148 Mudane ayaa haa ugu codeeyay sharciga, iyadoo 6 Xildhibaan ay diiday, halka 2 kalena ay ka aamustay, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda Somaliya ayaa Xildhibanaada Golaha Shacabka kaga mahadceliyay sida ay kalsoonida u siiyeen sharciga ay Wasaaradiisu soo diyaarisay.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxay codka kalsoonida siiyeen Sharciga Shirkadaha, oo ay horey u ansixiyeen Xildhibaanada, balse ay dib u soo celiyeen Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya. 156 Xildhibaan ayaa haa ugu codeeyay sharcigan, taasoo ka dhigan inaanay jirin cid ka aamustay iyo cid kaloo diidayba.

Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Somaliya, Cabdullaahi Cali Xasan ayaa dhankiisa Xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahadceliyay tallaabada ay markii labaad ku meelmariyeen sharcigan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...