Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Muxuu galab-saday wariye Saciid Yuusuf Cali oo lagu dilay magaalada Muqdisho?

Allaha u naxariisto Wariye Saciid Yuusuf Cali oo gacan ka xaq-daran ku dishay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Allaha u naxariisto, wariye Saciid Yuusuf Cali ayaa xalay Magaalada Muqdisho loogu gaystay dil aan horey noociisa loogu gaysan nin Wariye ah, iyadoo dhanka kalana la qabtay gacan ku dhiiglihii dilay.

Wariye Saciid Yuusuf Cali oo ka tirsanaa Kalsantv ayaa lagu dilay xaafadda Say Biyaano ee Degmada Hodan, ka dib markii uu soo weeraray nin toorey ku hubeysnaa.

Wararka ayaa sheegaya in dilkiisa uu ka dhacay afaafka hore goob ganacsi, oo kaabiga ku haysa hoygii uu ka deganaa xaafadda Say Biyaano. Dembiilaha ayaa la sheegay in dhawr uu tooreyda la dhacay ninka Wariyaha ah.

Marxuum Saciid Yuusuf oo soddon jir ahaa ayaa ifka uga tagay laba carruur iyo hooyadood. Waxaana tallaabada lagu dilay cambaareeyay Ururada Saxaafadda.

Ururada Saxaafadda oo soo xiganaya Saraakiisha Booliska ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in dembiilaha lagu hayo Xarunta Hay’adda Dembi Baarista CID ee Magaalada Muqdisho.

Ma cadda waxa uu salka ku hayo dilka Wariyaha, sidoo kalana lama garanayo cidda uu ka tirsan yahay dhagarqabaha.

Waa Wariyihii labaad oo sanadkan lagu dilo gudaha dalka. 16-kii bishii February ayay ahayd markii Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose lagu dilay Wariye Cabdiweli Cali Xasan (Cabdiweli Online), oo ka tirsanaa Telefishinka Universal iyo Radio Kulmiye.

Dilka Wariyahan ugu dambeeyay waxaa uu imanaya, iyadoo maalintii shalay Magaalada Muqdisho lagu jirdilay Wariye-yaal, oo middi ay gabar tahay. Waxaa kaloo xusid mudan in dilkan uu ku soo aadayo, iyadoo Magaalada Muqdisho ay ku xiran yihiin Wariyeyaal kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay inay caburin xoog lihi ku hayso Wariyeyaasha iyo Warbaahinta xortaba, taasoo liddi ku ah dimuqraadiyadda ay Somaliya hiigsaneyso.

Ugu dambeyn, Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo, iyadoo loogu gaysto handadaad/cago jugleen, xarig iyo dilba.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...