Sunday, June 28, 2026
25 C
Mogadishu

Muwaadiniin Soomaali oo dilal kala duwan loogu geystay Koonfur Afrika

S/Afrika (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya, in saacadihii la soo dhaafay dilal loogu geystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobo ganacsi ah ku lahaa dalkaasi, sida ay ku soo waramayaan ganacsato Soomaali ah.

Kooxo hubeysan oo burcad ah ayaa deegaanka Zwide township ee duleeedka Magalada Gqeberh Port Elizabeth ku dilay Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Najiib, kaasi oo gaari ku wareejin jiray Rooti, waxaana xiligii la dilayey uu watay gaarigiisa.

Sidoo kale habeen hore Muwaadin Soomaaliyeed kale ayaa lagu dilay dukaan uu shaqaale ka ahaa oo ku yaalla xaafada Tzakani ee hoostagta magalada Johannesburg, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ehaladiisa.

Muwaadin kale oo isna lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Xasan Ever ayaa waxaa 13-kii bishaan Octoober lagu dilay dukaanka uu shaqaale ka ahaa oo ku yaala degmada Germiston ee gobolka Gauteng.

Dhacdooyinka la xiriira dilalka Soomaalida loogu geeysto dukaamaha ayaa sara usii kacaya dalka Koonfur Afrika, xili inta badan ay dilalka ka dhacaan deegaano iyo tuulooyinka ay ku badanyihiin falalka dambiyada, mana jirto cid iska xil saartay wax ka qabashada dilalkaas loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...