Friday, May 8, 2026
28.1 C
Mogadishu

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

S/Afrika (Halqaran.com) – Kooxo burcad Koonfur Afrikan ah ayaa maanta meelo kamid ah gudaha dalkaas waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Muwaadinka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cusmaan Aadan Sheekh Buule ayaa waxaa markii hore lagu dhaawacay deegaanka kuwzakele ee duleedka magalada port Elizabeth isago waday gaari uu rooti ku wareejinayay, balse dhaawacii soo gaaray uu ugu Geeriyooday isbitaalka.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in marxuumka uu Jimcihii shalay ka badbaaday isku day dil xili uu waday gaariga ku wareejinayay rooti, balse saakay mar kale la weeraray isagoo watay gaariga uu rootiga ku wareejinay.

Ciidama ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo gaaray goobta uu falka ka dhacay ayaa la sheegay in ay baarayaan dhacadadan, waxaana sidoo kale goobta gaaray xubno ka mid ah Jaaliyadda Sooomaalida gobolka eastern Cape.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...