Saturday, June 27, 2026
25.2 C
Mogadishu

AKHRI: Musharraxiinta ugu cadcad oo shuruudo ku xiray ka qeybgalka Doorashada Galmudug

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Afar ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad ee Doorashada Madaxtooyada Galmudug ayaa waxay markale iska diideen inay ka qaybgalaan doorashada, iyagoona shuruud ku xiray.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Cabdullaahi Faarax Wehliye, Cabdi Cabdullaahi Axmed (Cabdi Dheere) iyo Kamaal Daahir Guutaale oo kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay ka soo saareen shan qodob oo doorashada ay uga qaybgeli karaan.

Shuruudaha ay musharaxiintan ku xireen ka qaybgalka doorashada ayaa waxay ku soo aadaysaa, saacado yar uun ka dib, markii Guddiga Doorashada ee garabka dowladda uu sheegay in musharaxii aan isa soo diiwaan-gelin uu yahay mid aan horu-socod rabin.

Halka hoose ka akhriso Shuruudaha ay soo saareen musharaxiinta:

1- In la xaliyo dhamaan muaranada jira ee u dhaxeeya saamilayda Siyaasadda Galmudug.
2- In Ahlusunna Wal-Jamaaca ay qayb ka noqoto qaybaha dhiman ee doorashada.

3- In la baabi’yo guddiga doorashada Madaxwaynaha ee hadda jira iyo in la isukeeno saamilayda siyaasadeed laguna heshiiyo waqtiga doorashada.
4- In guddoonka blBaarlamaanka uu xildhibaanada u ogolaado in ay si xor ah ula kulmi karaan musharixiinta Madaxwaynaha iyadoo aanay jirin wax cadaadis ah ama hanjabaad ah.

5- In Doorashadu noqoto xor iyo xalaal, isla-markaana gacan saddexaad ay goobjoog Ka noqoto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...