Muqdisho (Halqaran.com) – Musharraxiinta xilka Madaxweynaha ee ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa guddoomiye u doortay Shariif Sheekh Axmed, Afhayeenka Guddiga ayaa loo doortay Ridwaan Xirsi halka xogheynta guddiga loo doortay Xuseen Cabdi Xalane.
Shirka Midowga Musharraxiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo maalinti 4-aad ka socda Caasimadda Muqdisho ayaa lagu casuumay Ganacsatada iyo Haweenka Soomaaliyeed.
Shirka oo uu Guddoominayo Madaxweynihi hore ee dalka ahna Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhageysan lahaa qaybaha bulshada gaar ahaan walaaca Ganacsatada iyo muhiimadda kaalinta Haweenka, iyadoo xilli sii horreysay oo maanta shir gaar ah lala yeeshay Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed.
Wakiillada beesha caalamka oo aalada Zoomka kaga qeyb galaya, iyadoona gelinka dambe ee maanta la rajeynayo in la soo gabogabeeyo shirka, lagana soo saaro warmurtiyeed ay ku mideysan yihiin musharraxiintan oo ku aadan doorashada 2020 – 2021 ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn, musharraxiinta xilka Madaxweynaha Sooomaaliya ayaa horay ula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





