Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

Mushaar kordhin loo sameeyay shaqaalaha rayidka ee maamulka Puntland +(SAWIRRO)

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland waxaa xalay lagu qabtay munaasadda xuska 8-da January oo ku beegan sanad guuradii labaad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ay weheliyaaan Guddoonka Golaha Wakiilada ayaa munaasabadda kaga qeybgalay hoolka cusub ee xarunta Madaxtooyada ee Garoowe.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybagalay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadeen, Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaano ka mid ah labada Aqal ee DFS, goleyaasha maamulka Puntland iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa  hadaljeedintiisa taariikhiga aheyd ee xalay ku xusay, waxyaabaha laga qabtay dhinacyada Amniga, maaliyadda, arrimaha bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Deni wuxuu ku dhawaaqay in laga billaabo sanadka cusub Bisha koowaad ay dowladdu hirgelinayso mushaar kordhin ay u sameysay Shaqaalaha rayidka ah, taas oo aad loo bogaadiyey, Dowladda ayaa ugu kordhisay mushaharka Goleyaasha dowladda sida Wasiirada, Xildhibaanada iyo weliba Ciidamada.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Diini ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey qaar ka mid ah  Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Puntland oo lagu abaalmariyey howlkarnimadooda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...