Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Militariga Soomaaliya oo sheegay inay dileen 15 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab

Sh/Dhexe (Halqaran.com) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen 15 xubnood oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab, halka 26 kalena ay ku dhaawaceen ka dib dagaal ay nabad-diidka kula galeen deegaanka Xaaji Cali ee Gobalka Shabeellada dhexe.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu iska hor imaadku dhacay markii ay Ciidanka xoogga ka war heleen weerar ay qorsheynayeen in ay Al-Shabaab kusoo qaadaan fariisimo ay Ciidanku lahaayeen, taas oo sababtay in ay cadowgu ka cararaan Tuulooyinka Geel gub iyo Masjid Cali Guud.

“Cadowga waxaa loo dhigay jig gooyo qoreysan si xirfadi ku dheehan tahay, waxaa la burburiyay raacyadiisa hore, waxaana ku gaaray goobta lagu dagaallamay qasaare aad u badan, taas oo keentay in ay tiro 4 jeer ah weerar soo qaadaan, si ay u qaataan meydad iyo dhaawac farabadan ee goobta ka dhacay, Ciidanka waxuu baacsaday cadowga ayaga oo ku celiyay goobahii ay dagaalka ka soo abaabuleena lana sheegay in ay dib uga gurteen kana carareen tuulada Geel gub iyo Masjid Cali Guud-ba, ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda difaaca Soomaaliya.

Sidoo kale, wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalkaasi ay Ciidanka Xoogga Dalka kaga shahiideen 1 Sarkaal 1 Sarkaal xigeen iyo 2 Askari, halka dhawacana uu gaarayo 3 Asakari.

Gabagabada qoraalkan ayaa lagu sheegay in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya uu had iyo jeer heegan iyo foojignaan ugu jiro ilaalinta kaaramada Shacabka Soomaliyeed, waxeyna si aan ka leex-leexad laheyn u fulinayaan waajibaadka dagaal ee ay Madaxda Qaranka siisay, si loo difaaco kaaraamada sharafka iyo Madax bannaanida Qaranka.

Xafiisaka Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...