Monday, May 11, 2026
31.9 C
Mogadishu

Midowga Yurub oo 120 Milyan oo Yuuro ku taageeraya Howlgalka ATMIS ee Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga Siyaasadda iyo ammaanka midowga Yurub ayaa ansixiyay taageero dhaqaale oo dheeraad ah oo loogu talo galay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Sannadkan 2022-ka, Midowga Yurub ayaa 120 milyan oo Yuuro ku dari doona taageeeradii dhaqaale ee uu siin jiray ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaliya.

Taageeradan ayaa inta badan waxay gacan ka geysan doontaa gunnooyinka askarta howlgalka ATMIS, si ay awood ugu yeeshaan howlgalku inuu si hufan u guto waajibaadkiisa.

Midowga Yurub ayaa ugu deeqay AMISOM/ATMIS, wadar ahaan lacag ku dhow €2.3 bilyan tan iyo 2007.

Midowga Yurub wuxuu sheegay in ay ka go’antahay inuu gacan ka geysto xoojinta guulaha amni ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...