Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Midowga Musharraxiinta oo war ka soo saaray magacaabista guddiga doorashooyinka Puntland & Jubbaland

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay magacaabista Guddiyada Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo shirka deg-dega ah oo ay ku dhawaaqeen.

War qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Musharraxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in a muhiim tahay in ay shir deg deg ah isugu yimaadaan Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, Midowga Musharraxiinta iyo Bulshada Rayidka ah si xal wadar oggol ah loogu helo caqabadaha ku gudban hirgelinta heshiiskii 17-kii September 2020.

Sidoo kale, waxaa ay sheegeen inay cadeeynayaan in uu dhameystiray turxaan bixinta Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed ee aan soo buuxin shuruudaha waafaqsan sharciga, isla markaana ay diyaar u yihiin inay soo gudbiyaan liiska, haddii la helo Goob iyo qaab loo hubiyo Guddiyada.

Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayay ugu baqeen in uu kaalin mas’uuliyadeed ka qaato xal u helida caqabadaha hortaagan hirgelinta heshiiskii 17-kii Septemer ee tabashada laga qabo guddiyada doorashooyinka marjaca iyo habraaca doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada iyo arrinta Gobolka Gedo.

Golaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo uga digay in doorasho hal dhinac ah uu qabto, taas oo halis ku ah xasiloonida, midnimada iyo Wadajirka dalka.

Halka hoose ka akhriso Qoraalka ka soo baxay Midowga Musharraxiinta:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...