Muqdisho(Halqaran.com) –Xubanaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku boggaadiyay Ra’iisul Wasaare Rooble dadaalka uu dib ugu soo celinayo xiriirkii istiraatiijiga ahaa ee sanadihii u dambeeyay aad ka u xumaa ee Soomaaliya kala dhaxeeyay Dowlada Imaaraadka Carabta.
Warsaxaafaded ay soo saareen waxa ay ku yiraahdeen,”Goluhu wuxuu bogaadinayaa dadaalka R/wasaare Rooble uu dib ugu soo celinayo xiriirkii istiraatiijiga ahaa ee sanadihii danbe la xumeeyey ee Soomaaliya kala dhexeeyey dawladaha Carbeed ee aan walaalaha nahay oo ay ugu horrayso dawladda Imaaraadka Carabta”.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





