Saturday, May 2, 2026
28.5 C
Mogadishu

Puntland oo Ku Guuleysatay Nabadeynta Dagaal Beeleedyo ka dhacay Gobolka Sool.

Harwanaag(Halqaran.com) –Deegaanka Harwanaag ee Gobalka Sool ayaa  lagu qabtay shirka Nabadeynta Maleeshiyo beeleydyo Walaalla  ah oo dagaalo xoogan ku dhaxmaray deegaannada Saax-Meygaag iyo Sanga Jabiye.

 

Shirkan oo u soo qaban qabiyay Madaxwayne Ku Xigeenka Puntland  Axmed Cilmi Cismaan Karaash Waxana Ka Qayb Galay Gudomiye Ku Xigeenka Barlamanka Puntland, Xubo ka mida labada Gole Ee Puntland ,Odayaasha Dhaqanka, Guddoomiyaasha Gobolada Nugaal Iyo Sool, Waxgarad, Aqoonyahano, Sarakiisha Ciidmada,Ururada Haweenka labada dhinac iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

 

Shirkaan ayaa waxa uu  socday saacao badan oo lagu lafa guray waxyaabaha keenay Dagaalkan khasaaraha badan geystay, ayaa waxaa  la’isku afgartay  qodobadaan soo socda:

  1. In lagu dhawaaqo Xabbad joojin.
  2. In Ciidamada Beelaha ee Dagaalamay laga qaado Deegaanada Saax-maygaag iyo Sanga Jabiye.
  3. In Ciidamo Dowladeed la geeyo Deegaanada Shaqaaqadu ka dhacday.
  4. In la Magacaabo Guddi Xal waara ka keena arimaha keenay Shaqaaqooyinka Deegaanadaas.
  5. In lagu Xukumo 200 oo Halaad oo aan wakhti lahayn ciddii Jabisa Xabad joojinta.

Xabad joojintaan  ayaa ku soo aadaysa xilli ay marar badan soo laalaabtay dagaallada u dhaxeeya beelaha wadadaga gobolka Sool.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...