Muqdisho(Halqaran.com) –Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta hoygiisa Muqdisho kulan kula qaatay Danjire Maxamed Axmed Cuthmaan, Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta u qaabilsan Soomaaliya.
Axmed Madoobe ayaa dowladda Imaaradka Carabta uga mahad celiyay gurmadkii ay ka gaysteen abaaraha ka jira Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay talaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ee uu dib ugu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal kaas oo waxtar u leh labada shacab.
Ugu dambeyntii Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Maanta Muqdisho soo gaarsiisay Gargaar raashin ah oo ay ugu tala-gashay dadka ay saameeynta ku yeesheen Abaaraha ka jira Gobolada dalka, waxaana gurmadka la wareegay Xukuumadda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





