Saturday, May 2, 2026
30.9 C
Mogadishu

Puntland Oo Xabsiga Dhigtay 13 Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka Daraawiishta ee Maamulkaasi (Ogaaw Sababta)

Qardho(Halqaran.com) – Wararka ka imaaanaya Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka karkaar ee Maamuka  Puntland ayaa sheegaya in xabsiga la  dhigay 13 askari oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland.

 

Eedeymaha loo jeedinayo Ciidan kaan  aya waxaa ka mid ah, isku day ay doonayeen inay xoog kula baxaan hub ku xaraysan xerada Tababarka Ciidamada Xorgoble ee Magaalada Qardho.

 

Saraakiisha  Ciidanka Booliska ayaa laga soo xigtay in inta aan la xirin Askarta uu iska horimaad kooban dhexmaray Askarta la qabtay iyo Ciidanka Booliska, in kastoo aan wax khasaaro ka dhalan Israsaaseyntii dhacday.

 

Sido kale Saraakiisha ayaa sheegtay in Askarta lagu eedeeyay inay hubka la bixi rabeen ay gaarayaan 20 Askari 13 kamid ah gacanta ku dhigeen halka 7-da harsan ay ku raad joogaan.

 

 

ugu dambeyn Ciidanka Booliska oo kaashanaya Ciidanka Madaxtooyada Magaalada Qardho  ayaa la wareegay Xarunta ay ka dhacday mashaqada.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...