Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

Midowga Afrika oo war cusub ka soo saaray dagaalkii BeledXaawo

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki ayaa sheegay inuu la socdo xiisada ka taagan xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, taas oo u dhaxeeysa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

War qoraal ah uu soo dhigay bartiisa Twitte-ka ayaa waxaa uu ku sheegay inay ka walaacsan yihiin xiisadaas iyo dagaalkii dhacay, waxaana uu ugu baaqay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya inay xiisada dejiyaan.

“Waxaan si taxaddar leh ula socdaa xiisadaha ka taagan xadka  Kenya & Soomaaliya, waxaanan ka codsanayaa labada deris ah inay is xakameeyaan oo ay wadahadal la galaan si waafaqsan hannaanka  IGAD . Nabadda xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa muhiim u ah xasiloonida gobolka‘‘ ayuu yiri Mousa Faki.

Hadalka Guddoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay degmada Beled-Xaawo oo xadka ku taala ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland, isla markaana Kenya qoraal ku saabsan dagaalkaas ay u dirtay Midowga afrika.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...