Saturday, April 25, 2026
28.9 C
Mogadishu

Meydka gabar yar oo laga helay duleedka magaalada Dhuusamareeb, booliska ayaa xaqiijiyay

Deegaanka Bohol oo qiyaastii 12 KM u jirta Magaalada Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in duleedka Magaalada laga helay maydka gabar yar, sida Booliska ay sheegeen.

Maydka gabadhaan yar ayaa waxaa laga soo qaaday deegaanka Bohol oo qiyaastii 12 KM u jirta Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada Booliska ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb ayaa tegay deegaanka Bohol, iyaga oo halkaasi kasoo qaadey meydka Gabadha Yar sidoo kale ay falkaasi u soo qabteen Hooyada Dhashay Gabadha yar iyo Saygeeda.

Lama oga ilaa iyo hadda cida dishay gabadhaan yar ee maydkeeda duleedka laga helay Magaalada Dhuusamareeb.

Saldhiga Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu haayaa Hooyada dhashay gabadha yar iyo Saygeeda, halkaasi oo baaritaan uu ka socdo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...