Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Meydad hor-leh oo laga soo saaray dhismaha Hotelka Elite ee la weeraray

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maanta hotelka Elite oo ku yaalla Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho laga soo saaray meydad hor leh, kuwaasi oo ku dhintay weerar ku bilowday qarax ay ku qaadeen maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Subixii Isniinta maanta ayaa waxaa Hotelka tegay qaar kamid ah dadka ku nool Gobolka Banaadir oo baadi goobayay Ehelladooda oo ka maqan kuna tuhmayeen inay joogeen Hotelka, waxaana laga soo saaray meydka ilaa dhowr qof.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa waxaa uu sheegay in 16 Ruux ay weerarkasi ku dhinteen, hayeeshee ay korortay dhimashada, kadib markii meydad hor leh maanta laga soo saaray gudaha Hotelka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa ku sugan Xeebta liido, kuwaas oo sugaya Amniga maadaama howlo nadaafadeed ay ka bilawdeen hotelka Elite iyo meelaha ku dhow dhow oo uu qaraxa saameeyay.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka argagixiso ee lagu qaaday Hotelka Elite oo ku yaalla Xeebta liido, iyaga oo sheegay inay ku dileen mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...