Wednesday, April 22, 2026
29.5 C
Mogadishu

Maxkamadda Kenya oo xukun ku riday mas’uuliyiin lagu helay Musuq-maasuq

Nairobi (Halqaran.com) – Maxkamadda dalka Kenya ayaa Arbacada Maanta ah waxaa ay xukun xabsi 12 sano ah ku riday madaxii hore ee waaxda maaliyadda Jimmy Kiamba iyo xoghayihii maamulkii barasaabkii koowaad ee Nairobi Evans Kidero oo lagu magacaabo Lilian Ndegwa.

Labadaan mas’uul ayaa Maxkamadda dalka kenya waxaa ay ku heshay kiis la xiriira musuq maasuq ay ku kaceen intii ay xilalka hayeen taas oo la ogaaday markii baaritaano lau sameeyay.

Garsoore Esther Maina ayaa sheegtay in Mr. Kiamba iyo Ms Ndegwa ay u furan tahay inay bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 9.6 milyan oo shilin, waxaana.

Sidoo kale Waaxda dacwad oogidda ay sheegtay in intii uu Kidero hoggaaminayay Nairobi , qandaraasyo la bixiyay lagu lumiyay 18 milyan oo shilin.

Shacabka dalka Kenya iyo siyaasiyiinta qaarkood ayaa soo dhaweeyay xukunka lagu riday labadaan mas’uul, iyaga oo sheegay inay feejignaan muujin doonaan mas’uuliyiinta kale ee xilalka ka haya dowladda kenya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...