Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Maxkamadda ICJ oo go’aamisay waqtiga la dhageysanayo Kiiska badda (Waa goormeese?)

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda Cadaaladda Caalamka (ICJ) ayaa waxay go’aan rasmi ah ka soo saartay waqtiga la dhageysanayo dacwadda murunka la xiriira Badda Somaliya, ee ay murunka ka keentay Kenya.

Maxkamadda ayaa waxay go’aansatay in dhageysiga dacwadda la sii amba qaado 8-da illaa 12-ka bisha June ee sanadka soo socda.

Go’aanka Maxkamadda ayaa lala wadaagay labada dowladood, si ay u soo diyaarsadaan wixii dood iyo cadayn ah, ee ay la hortaggayan Maxkamadda.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Maxkamadda ICJ ay kiiska badda qaadi doonto 8-da illaa 12-ka bisha June ee sanadka 2020.

Waa markii labaad oo Maxkamadda ICJ ay dib u dhigto kiiska murunka badda la xiriira, ka dib codsiyo uga yimid Dowladda Kenya.

Madaxda Soomaaliyeed ayaa labadaasi jeerba ka horyimid dib u dhigista dacwadda badda, waxayna ku adkeysteen in lagu kala baxo cadaaladda, labada dhinacna ay miiska la yimaadaan waxyaabaha ay ku cadaynayan lahaanshiyahooda badda lagu murunsan yahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...