Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo wax dami ah ku waysay Wariye C/maalik Coldoon

Hargeysa (Halqaran.com) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa Khamiistii maanta ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Go’aanka ay maxkamadda ay ku dhawaaqday subixii Khamiista maanta ayaa ka dambeeyay, kaddib kiis muddo dheer soo socday.

Xeer ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay Go’aanka ay maanta maxkamadda gaartay.

Wariye Coldoon ayaa xabsiga ku sii jiri doona tan iyo inta go’aan laga gaarayo racfaanka xeer ilaalinta. Booliiska Somaliland xiray bishii August ee sanadkii aanu soo dhaafnay.

Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa waxaa loo haystay dhowr eedeymood sida in uu bartiisa Facebook ku faafiyay warar ka dhan ah iskuulka Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo iyo in uu cambaareeyay Somaliland iyo qaranimadeed.

Qareenka u dooda Cabdimaalik Coldoon, Jamaal Mandeela ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in ay kiiska ku guuleysteen maxkamdduna ay amartay in xurriyadiisii dib loogu soo celiyo

Sidoo kale, waxaa cambaareeyay in xabsiga lagu sii hayo iyada oo dambi lagu waayay taasi oo uu ku tilmaamay gef sharciyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...