Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Arbacadii maanta xukun ku riday Wariye Cabdi Casiis Axmed Gurbiye oo ah Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, kaas oo maanta markii 4-aad la horgeeyay Maxkamadda Gobolka.
Maxkamadda ayaa Wariyaha waxaa ay ku riday Xukun lix bilood oo xariga ah iyo 5 Milyan oo Shillin Soomaali ah, iyada oo sheegtay in lagu helay qodobka 368 ee xeerka ciqaabta, oo ku saabsan Wararka been abuurka ah, waxaana xukunka uu yahay mid uu gadan karo.
Saxafi Cabdi Casiis Axmed Gurbiye ayaa 14-kii Bishii April ee sanadkaan 2020 ka waxaa looga yeeray saldhigga degmada Hodan waana la xiray afar maalmood kadib markii uu dhaleeceyay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyadda.
Wariye Gurbiye ayaa waxaa muddo ku dhow Afar Bilood uu banaanka ku joogay damiin, waxaana loo diiday in uu wax qoraal ah sameeyo.
Qaybaha kala duwan ee Bahda saxaafadda ayaa si adag u cambaareeyay xukunka maxkamadda ay ku riday wariyaha oo ay sheegeen inuusan Cadaalad aheyn.
DF Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyaa inay caburin joogto ah ku sameyso Saxaafadda magaalada Muqdisho, halka qaarna laaluush ay ku aamusiisay dowladda, kuwaasi oo aan soo bandhigi karin wararka xaqiiqda ee jira.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com