Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Maxkamadda G/Banaadir: Ma cadda cidda soo eedeysay Weriye Gurbiye

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamada gobolka Banaadir oo Talaadada maanta ah la horgeeyay Weriye Cabdicasiis Axmed Guriye oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ayaa kasoo horjeesatay in aysan awood u laheyn qaadida Kiiska Weriyaha  oo todobaadkii hore Qareenada Weriyaha u dooday ay ku sameeyeen is hor-istaag.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegtay in ay Kiiska Mar kale dib u dhigtay.

Garsooraha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegay in aysan caddeyn Cidda soo eedeysay Weriyaha, islamarkaana looga baahan yahay xeer ilaalinta in ay soo caddeeyaan.

Sidoo kale, garsooraha ayaa sheegay in xeer ilaalinta habka ay dacwadda u soo qoreen in aysan waafaqsaneyn xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, sidoo kalena aysan ku caddeyn waxa loo heysto weriyaha.

Qaar ka mid ah Ururada Saxaafadda ayaa sheegay in ay soo dhaweeyaan go’aanka Garsooraha, laakiin dalbanayaan in Kiiska Weriyaha uusan noqon ila meerayso.

14-kii Bishii April , weriye Cabdicasiis Gurbiye waxaa loogu yeeray saldhigga degmada Hodan waana la xiray, Afar maalmood kaddib markii uu dhaleeceyay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyadda qaabka ay ula tacaashay Cudurka Coronavirus Warbixin uu kusoo daabacay bartiisa Facebook.

Weriye Gurbiye ayaa maalmo kadib damiin lagu sii daayay , laakiin waxay uga digeen inuu sii wado faallo kasta oo xasaasi ah oo ay ka mid tahay Cudurka Coronavirus.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...