Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Isniintii saaka fagaaraha Iskuul Bulusiya ee Magaalada Muqdisho ay xukunkii dilka toogashada ahaa kufulisay Saddex rag ah oo katirsanaa kooxda khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo lagu helay Qaraxyo ay ku dileen Shacab iyo Masuuliyiin kale.
Raggaan oo lagu kala Magacaabi jiray Xasan Macalin Cali Barre (Boy) , Abtigiis Sayid Cali Aadan Nuur (Istiimoow) iyo Isaaq Keerow Aadan, kuwaas oo Maxkamadda Ciidamada ay xukunka dilka toogashada ah ku riday Bishii December ee sanadkii 2019-kii.
Xasan Macalin Cali Barre (Boy) ayaa sigaar ah loogu helay in uu wade ka ahaa Gaari qarax siday oo ku qarxay Suuqa Xaafada Kaawa Godeey ee degmada Wadajir, kaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 12 Ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen, halka Isaaq Keerow Aadan lagu helay in uu qeyb ka geystay dilal qorsheysan iyo weeraro ka dhacay Gobollada, Shabeellaha Hoose, Banaadir iyo Hiiraan.
Nuur Ibraahim Mahad-alle oo ka tirsanaa Ciidamada gaarka ah ee Booliska, balse sida maxkamaddu sheegtay laga saaray kadib markii uu lunsaday Hub ay dowladdu laheyd, isla markaana uu intaasi kadib ku biiray khawaarijta, isaga oo ka dambeeyay qarixii lagu dilay guddoomiye kuxigeenkii Amniga degmada Maxaas, waxaana xukunka dilka toogashada ah lagu riday 30-kii Bishii Octoober ee sanadkii 2019-kii.
Xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda Cuidamada Qalabka sida Maxamed Cabdullaahi Khaliif ayaa Warbaahinta u sheegay in saddex sano kadib dil toogasho lagu fuliyay Saddexda ragga ah ee katirssnaa kooxda khawaarijta Al-Shabaab laguna helay dilalka iyo weerarada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com