Muqdisho(Halqaran.com) –Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka bilowday dhageysiga garmaqalka labo askari oo ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka kuwaas oo dil u geystay Sawda iyo Sakari oo ahaa labo walaalo ah.
2-dii December 2021 isgoyska Dabka ayee dil toogasha ah ugu geysteen Sawda iyo Sakariye, labada askari ee dilka lagu eedeeyay ayaa kala ahaa Dable Cabdiwaayeel Macalin Aadan Cilmi iyo Dable Dayax Nuur Cabdi Aadan oo kawada tirsan Ciidanka Xooga.
Dhageysiga Garmqalka Dacwadda waxa goob joog ka ahaa Ehellada labada marxuum iyo qaar ka mid ah cutubyo ka tirsan Ciidanka Gorgor oo ay ka tirsanaayeen labadaan Askari.
Sido kale Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda CQS Gaashaanle Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa dalbaday in loo ciqaabo Dable Cabdi Waayeel Macalin Aadan dilka uu geystay halka Dable Dayax Nuur Cabdi Aadan lagu ciqaabo anshaxa wada marista iyo Nabadgelyada Guud ee uu khalqal geliyay.
Gaashaan sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in kiiskaan ay Maxkamadda go’aan kasoo saari doonto.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com