Muqdisho(Halqaran.com) –Maxkamad Militari oo ku taalla Magaalada Misrata ayaa xukun dil ah ku xukuntay Gen. Khaliifa Xaftar oo kamid ah Musharixiinta isu soo taagtay qabashada Xilka Madaxweynaha Dalkaan dhaca Waqooyiga Afrika.
Maxkamadda ayaa xukunkeeda u cuksatay eedeymo la xiriira in uu tacadi ka geystay Magaalada Misrata labo sano kahor kaddib markii uu bixiyay amar lagu duqeeyay xarunta Ciidanka Cirka Liibiya.
Horaantii bishaan Jenaral Xaftar ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharaxa doorashada madaxtinimo ee qabsoomaysa sida qorshu yahay bisha December ee nagu soo aaddan. Balse maxkamada ayaa sheegtay in xukunkaasi uu joojin karo musharaxnimadiisa.
ugu Dambeyntii Warbaahinta gudaha dalka Liibiya ayaa baahisay in maxakamaddu booliska ku boorrisay inay fuliyaan xukunka la riday iyadoo la raacayo shuruucda. Faahfaahin intaa dheer lagama bixin warkaan ku saabsan xukunka maxakamddu ku ridday generaalka awoodda badan ee saldhigiisu yahay bariga dalka Liibiya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





