Tuesday, July 28, 2026
25 C
Mogadishu

Beesha Caalamka Maxay ka tari doorashooyinka Golaha Shacabka.

Muqdisho(Halqaran.com) –Beesha Caalamka ayaa war saxafadeed kasoo saartay walaaca iyo cabashada laga muujinaayo doorashooyinka Golaha Shacabka, iyagoona dalbaday in doorashada ay noqoto mid daahfuran oo ay ku kalsoonaan karaan dhamaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Saaxiibada caalamku waxay boorrinayaan in la dhammaystiro doorashada golaha shacabka oo loo dhan yahay, laguna kalsoonaan karo oo ay aqbali karaan dhammaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed sida ku cad jadwal la shaaciyey, 24 ka Diseembar 2021 iyo in kadib doorashada madaxweynaha lagu soo gabagabeeyo si degdeg ah.

Waxaan ku baaqaynaa in daah-furnaan buuxda loo sameeyo dhammaan geeddi-socodyada la xiriira, oo ay ku jiraan magacaabista guddiga soo xulista, xulasta ergada, diiwaangelinta musharraxiinta, kuraas u xirirsta haweenka musharraxiinta ah, si loogu hoggaansamo qoondada boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyey, iyo maareynta lacagaha musharraxiinta.

Waxa aanu sidoo kale ugu baaqaynaa guddiyada doorashada inay fududeeyaan korjoogeynta dhammaan hawlaha goobaha cod bixinta.
Waxaan ku baaqaynaa in la tix geliyo xaqa ay musharixiinta u leeyihiin in ay isu soo taagaan doorashada iyadoo la marayo jawi ku dhisan tartan dhab ah oo xalaal ah.

Waxaan ku dhiirigelinaynaa ergooyinka iyo musharrixiinta doonaya inay soo gudbiyaan cabashooyinka doorashada inay sidaas ku sameeyaan iyagoo u maraya hababka sharciga ah ee loo sameeyay ujeedkan.

War saxafadeedkan kasoo baxay beesha Caalamka ayaa imaanaya xili ay sii kordhayaan walaaca iyo cabashada laga muujinaayo hanaanka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka oo la sheegayo iney tahay mid aanan daah furneen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...