Thursday, October 1, 2026
25.1 C
Mogadishu

Jawaari oo sheegay in loo diiday in uu tartamo (Maxaa Sababy)

Muqdisho(Halqaran.com) –Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shaaca ka qaaday inuu isaga soo tegay Magaalada  Baydhabo oo maalmihii lasoo dhaafay u joogay Arrimo doorasho.

Prof. Jawaari ayaa waxaa uu sheegay in laga hor istaagay inuu u tartamo kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP-103, isla markaana ka horyimideen caqabado iyo culeysyo oo uu sheegay inuu kala kulmay Madaxda Maamulka.

“Maalmahan waxaa joogay Baydhabo oo aan u imid kursiga 103 tartankiisa inaan ka qeyb galo, caqabado iyo culeysyo ayaa naga horyimaadeen, arrimaha Baydhabo ka socdo aniga shaqsiyan qiyaasta aan qiyaasay ma fidsana gogol, nin gob ah oo oday ah wax ka soo doontay meeshaan ma taalo”

Proff Jawaari ayaa sheegay inuu yahay weli musharax u taagan kursiga 103 uuna ka war dhowrayo odayaasha dhaqanka ee leh kurisga 103 iyo madaxtooyada Koofurgalbeed.

“Allaha u raxmado Soomaaliya waxaan ka baqayaa intii yareyd ee dowladnimada aan soo kasbanay inay faraheeda ka baxdo.”ayuu yiri Proff Jawaari oo muddo dheer dalka Soomaaliya xilal kala duwan ka soo qabtay.

Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in doorashada ay hadda ku jirto koontarool saa’id ah iyo gacanta qof, waxa uuna cadeeyay in uusan gudbeyn xitaa Musharax noqon karin qof aan raali laga aheyn.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...