Muqdisho (Halqaran.com) – Xarunta Xibsiga UPD ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka dhacay kulan gaar ah oo u dhaxeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ,Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ujeedka kulankan ayaa lagu sheegay inay la xiriirtay iswareysi labada masuul iyo Salaan, maadaana xilli hore ay isugu dambeysay.
Sidoo kale, intii uu socday kulanka ayaa masuuliyiintaan isku so hadal qaadeen xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo inay muhiim tahay in laga shaqeeyo xaaladda kala guurka ah ee dalka cagaha uu la galayo.
Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmo ka hor dalka dib ugu soo laabtay ayaanan cadeyn mowqfikiisa siyaasaddeed, iyadoo dalka la filaayo inay doorasho ka dhacdo.
Waxaa muddooyinkaan dambe Caasimadda Muqdisho kulamo gaar gaar ah ay ku dhexmarayaan madax hore oo xilal kala duwan dalka ka soo qabatay, kuwaasi oo ka hadlaaya arrimaha Siyaasadda ee dalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com