Wednesday, April 29, 2026
28.7 C
Mogadishu

Maxay DF Somaliya ka tiri hadalkii Madaxweynaha Turkiga ee casuumaadka sahminta Shidaalka?

Waa sawir hore, Madaxweyne Erdoğan iyo Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si maldahan uga jawaabtay hadalkii Isniintii shalay ka soo yeeray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ee la xiriiray inay Soomaaliya ku soo casuumtay sahminta shidaalkeeda.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay inaanan weli la gaarin xilligii la bilaabi lahaa hawlgalada la xiriira sahminta shidaal baarista ee dalka.

Wasiirka oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) ayaa caddeeyay in mid daahfuran ay noqon doonto sahminta shidaalka dalka.

Wasiirka ayaa wuxuu xusay in xiriir walaaltinimo iyo mid wax wada qabsi uu kala dhaxeeyo Dowladda Turkiga, welina aan la gaarin xilligii la bilaabi lahaa hawlgalada batroolka Soomaaliya, iyadoo ay weli dhiman yihiin hawlo ay muhiim tahay in la dhameystiro.

“Sidaas darteed waxaan xaqiijinaynaa in hawlgalada bartoolka ay ku bilaaban doonaan si daahfurnaan ah, xilligeedana la sugayo.” Ayuu yiri Wasiirka Bastroolka iyo Macdanta Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...