Sunday, May 3, 2026
28.7 C
Mogadishu

Maxaad ka ogtahay heshiiska cusub ee Puntland iyo Imaaraadka Carabta ay kala saxiixdeen?

Boosaaso (Halqaran.com) – Maamul goboleedka Puntland iyo Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka ayaa kala saxiixday heshiis wada shaqayneed oo oggolaanaya in Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadku ay xafiis ka furato Puntland, si ay ugu fududaato arrimaha gargaarka bini’aadantinimo ee ay ka fuliso Puntland.

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa saxiixay heshiiska wadashaqayneed ee Dowladda Puntland iyo Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka, dhinaca Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka waxaa heshiiskan u saxiixay Xoghaya Guud ee Hay’addaasi Maxamed Ateeq Al-falahi.

Maamulka Puntland ayaa asbuucyadan ka shaqeynaysay xaaladaha bini’aadantinimo ee ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada Puntland, waxaana jira Guddiyo Dowladdu u saartay arrimaha Gurmadka dadka ay roobabku saameeyeen.

Xafiiska Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadku ay ka furanayso Puntland ayaa ka mid noqondoona xafiisyada Dowladda kala shaqaynaaya arrimaha gargaarka bani’aadantinimo, waxaana wafdigii ugu horeeyey ee xafiiskaasi ka socda uu maanta soo gaaray magaalada Boosaaso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...