Muqdisho (Halqaran.com) – Xog ay helayso mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay abaabuleyso dibad bax looga soo horjeedo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Xoogaga wadniyiinta, Ururada Haweynka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu war-geliyay inay diyaariyaan shacab banaabax sameeya, kuwaas oo loo dhiibayo boorar ay ku qoran yihiin erayo lagu sumacad dilayo madaxdii hore ee qaranka oo beryahaan warbaahinta la taagnaa dhaliilo ka dhan ah madaxda dowladda Soomaaliya.
Maalinta berri ah ayaa la qaban qaabinayaa in banaabaxaas uu Muqdisho ka dhaco shacabkana ay la hadlaan hoggaamiyaal bulsho kuwa diimeed iyo kuwa dhaqan oo dowladda taageersan.
→ Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- 30 Sano kaddib Safaaradda Mareykanka oo si rasmi uga howlgashay Muqdisho
- Macawiisleyda Hiiraan oo maleeshiyaad Al-Shabaab ah laayay, hubkiina ka furtay & Wararkii ugu dambe..
- WAR CUSUB: Axmed Madoobe oo Jawaab adag ka bixiyay Natiijadii ka soo baxday Shirkii Iskaashiga ee Muqdisho
- XOG: Wasiirrada Puntland oo Shir deg-deg ah ka yeelanaya natiijadii ka soo baxday Shirkii Muqdisho (Maxa cusub?)
- Nabaddoon caan ahaa oo dhaawac Kismaayo ugu geeriyooday, ”Jubbaland ayaa shir-qooshay”
- XOG XASAASI: ‚‘‘Wixii Ilmo Sheekh Kulmiyay lama dhayalsan karo, loomana gafi-karo‘‘ waxa yiri..
W
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in banaabaxa inta uu socdo jidadka loo xerayo dibad baxayaasha si farriintooda ay u noqoto mid gaarta meesha loo dan leeyahay, oo aanay u dhalan carqalad amni oo baajisa.
Horay waxaa u jiray warar sheegayay in madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray ay dhankooda qaban qaabinayeen dibad bax ka dhan ah Dolwadda Federaalka Soomaaliya oo ka dhaca magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com