Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

Macawiisleyda Hiiraan oo maleeshiyaad Al-Shabaab ah laayay, hubkiina ka furtay & Wararkii ugu dambe..

Macawiisleyda gobolka Hiiraan ee la dagaallantay Al-Shabaab

Hiiraan (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya, in uu sii kordhayo dagaalka kacdoonka shacabka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab u dhaxeeya, iyadoona hub looga furtay Al-Shabaab dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay helayso mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya in deegaanka Ceel-Cali oo ka tirsan gobolka Hiiraan in dagaal uu ku dhexmaray dhallinyaro is abaabushay oo la magacbaxday macawiisleyda gobolka Hiiraan iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, dagaalka ayaa socday muddo ku dhow laba saacadood.

Dagaalka ayaa ku bilowday weerar ay soo qaadeen Macawiisleyda, wararka ayaa intaa ku daraya in goobta dagaalka ay ku dhinteen tobaneeyo Al-Shabaab ka tirsan, isla markaana uu jiraan tiro dhaawacyo badan ah, sida uu warbaahinta dowladda u xaqiijiyey Maxamed Cali Istakiin oo taliye u ah kooxda macawiisleyda ku sugan gobalka Hiiraan.

Waxa uu intaa ku daray in laba dhallinyaro ah ay uga dhigtay dagaalka, ayna ku rajo weyn yihiin sidii kacdoonka ka dhanka Al-Shabaab looga hirgelin lahaa gobolka Hiiraan oo dhan.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



W

Taliyaha kooxda macawiisleyda ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay maleeshiyaadka Al-Shabaab uga furteen hub dhowr nooc ah.

Dagaalada Kacdoonka ah ee looga soo horjeedo Al-Shabaab ayaa ka socda gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, waxaana marar badan khasaare loogu geystay Al-Shabaab, bacdamaa ay shacabka iska diidaan in ay ku dhex noolaadaan cabsi iyo gumaad.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...