Sunday, September 13, 2026
28.9 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay Kulankii uu Muuse Biixi la yeeshay Cabdiraxmaan Cirro iyo Feysal Cali Waraabe?

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Isniintii maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADDANI, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo badan oo la xiriira xaaladda guud ee dalka.

Kulanka Madaxweynaha iyo Gudoomiyeyaasha Xisbiyada UCID iyo WADDANI ayaa diirrada lagu saaray:

In si wada jira ay hoggaanka axsaabta qaranka uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto.

In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaradku waxay kulankooda iskula garteen inay wadatashi kula noqdaan Xisbiyadooda, iyaga oo u ballamay kulamo dambe oo arrimahan lagu sii gorfayn doono.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...