Saturday, May 30, 2026
27.4 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay kulankii madaxweynaha Hirshabelle iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka?

Beledweyne (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Hirshabelele Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan dhinaca qadka Internet-ka ah la qaatay Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid ahaayeen wax ka qabashada cudurka Covid-19, qorsheynta nidaam doorasho oo ah ‘hal qof iyo hal cod,’ arimo quseeya amniga, sidii loo dhisi isku duubnaan siyaasadeed iyo waliba xorriyadda Saxaafadda.

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay inay fududeyeen Kulankaan dhex-marey Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xubnaha Beesha Caalamka.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay in ay fududeyso kulan dhex maray Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, kulankaas oo looga hadlay arrimo badan oo muhiim u ah dalka.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa iminka ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, wuxuuna halkaasi u tegay arrimo la xiriira fatahaada Wabiga Shabeelle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...