Friday, May 1, 2026
28.3 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay Kulankii maanta ee Golaha Aqalka sare ee BF Soomaaliya?

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Arbacadii maanta ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 21 aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddoomiyay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed.

Waxaa sidoo kale goob joog ahaa Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad,waxaana ajandaha kulanka Maanta uu ahaa Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka.

Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Deeqa Xassan Xuseen ayaa Golaha Ka-hor akhrisay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka oo sheegtay soo jeeddinada sentarada.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka.

Golaha Aqalka sare aya ansixiyeY,Iyaga oo marsiiyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka,waxaama Ogaalada 32 senatar ,wax diiday iyo wax ka amuusay majirin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...